Sunday, June 1, 2025

Dibad-baxayaal careysan oo u daatay saldhigyo milatari oo Israa’iil leedahay

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo kaddib markii dibadbaxayaal ay ku jiraan siyaasiyiinta midigta fog ay xoog ku galeen laba saldhig oo milatari.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu “si adag u cambaareynayo” rabshadaha. Dibad-baxayaasha ayaa ka careysnaa xariga loo geystay askar lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen maxbuus Falastiini ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warameysa in maxbuuska Falastiiniga ah ay faraxumeeyeen ciidamada Israa’iil.

Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha kooxaha xuquuqul insaanka ee ku aadan in dagaalyahanada Xamaas ee gacanta u galay ciidamada Israa’iil ay la kulmaan tacadiyo loogu gaysto xabsiga.

Koox ka tirsan ciidamada kaydka Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa in ay hubkooda dhiibeen kadib markii la xiray, waxaana ay diideen in ay sii wataan shaqadooda

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles