Wednesday, June 24, 2026

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Daacish ay ku leeyihiin Buuraha Calimiskaad ee Gobolkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan mileedhiyaadka Daacish.

Duqaymahaan oo ka dhacay aagga Maraagade, ayaa lala beegsaday godad ay ku dhuumaalaysanayaan firxadka Daacish, oo la rumaysan yahay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo Soomaali ah.

Saacadihii ugu dambeeyay ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgal culus ka fuliyey laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, halkaas oo lagu diley xubno katirsan kooxda Daacish.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish ee ku go’doonsan Cal-miskaad aysan ka badnayn 100 dagaalame oo dhuumaalaysi ugu jira godad iyo deegaamo aad u durugsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles