Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Daacish ay ku leeyihiin Buuraha Calimiskaad ee Gobolkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan mileedhiyaadka Daacish.

Duqaymahaan oo ka dhacay aagga Maraagade, ayaa lala beegsaday godad ay ku dhuumaalaysanayaan firxadka Daacish, oo la rumaysan yahay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo Soomaali ah.

Saacadihii ugu dambeeyay ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgal culus ka fuliyey laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, halkaas oo lagu diley xubno katirsan kooxda Daacish.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish ee ku go’doonsan Cal-miskaad aysan ka badnayn 100 dagaalame oo dhuumaalaysi ugu jira godad iyo deegaamo aad u durugsan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles