Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo James Swan?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka, waxa uuna uga mahadceliyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, isagoo ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradooda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles