Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo James Swan?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka, waxa uuna uga mahadceliyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, isagoo ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradooda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles