Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo lagu qabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

Shirkan oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalaayo Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federal-ka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XJFS Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa tilmaamay in shirkaan lagu gaari doono go’aanno muhiim u ah waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa yiri: “Hirshabeelle waxaa guul weyn u ah inay noqotay Dowlad-Goballeedkii ugu horeeyay ee lagu shaaciyo natiijada imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya. Rejo weyn ayaan ka qabaa in shirkan laga soo saaro go’aanno guul u ah waxbarashada Soomaaliya.”

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles