Guddiga Gurmadka Abaaraha gobolka Awdal oo deeq lacag ah la wareegay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee (SoDMA),Md Maxamuud Macallin, ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka taas oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal, Munaasabaddaas waxaa ku weheliyay wasiir iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soojeeda Deanna’s ay abaartu sida ba’an u sameysay.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa cadre yay in lacagtaaslagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolkaAwdal si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan gurmadka degdeg ah, asagoo hadalkiisa raaciyay in lacagtaasi aysan ku filneen reerawdal loona baahanyahay in dadaalka gurmadka lasii labajibaaro.

Dhankooda wasiiradii iyo xildhibanadii goobtaasi ka hadlay oo kale ahaa:

1. Wasiirka Howlaha Guud JFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur
2. Wasiiru dowlaha Amniga JFS Maxamed Cali Xagaa
3. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed XasanMaxamed Bulaale
4. Wasiir ku xigeenka Betroolka Cabdiwahaab (Cananuug)
5. Xildhibaanad Caasho (koos)
Dhammaan waxay soo shorten deeqdaasi lacageed,waxay si gaar ah mahadcelin ugu jeediyeen Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, iyo golahaWasiirada ayagoo sheegay iney garab istaageen reer Awdalxiligii ugu adkeed, sidoo kale wasiirrada waxay mahadcelin u jeediyeen maamulka Gobolka Banaadir si gaar ah gudoomiyahaGobolka Banaadir Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Munaasabadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Golahawasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay dadka reer awdal uguyabooheen lacag dhan $500,000 sidoo kale Maamulka GobolkaBanaadir ayaa dhankooda ku deeqay lacag dhan $200,000

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMAayaa wada Dadaalo xoog leh oo lagu garab istaagayo dadkaabaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolka Awday, ayadooHey’addu ay qabato shirar iyo Kulamo Gaar gaar ah tasoo lalayeesho qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiinGanacsatada, Culimada, hey’adaha Maxaliga iyo kuwacaalamiga ayadoona u jeedadu ay tahay garab istaaga dadka reer Awdal.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles