Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo James Swan?

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Xoojinta xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha, Taageerada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee dhanka horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimo, Dadaallada Nabadda iyo Amniga, gaar ahaan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo Barnaamijyada Dowlad-dhisidda, sida uu sheegay madaxweynaha Koofur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, halka Ambasidor James Swan uu ku ammaanay Dowladda Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan Arrimaha Nabadda iyo Xasilloonida.

kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Haweenka iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles