Thursday, March 5, 2026

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo James Swan?

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Xoojinta xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha, Taageerada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee dhanka horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimo, Dadaallada Nabadda iyo Amniga, gaar ahaan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo Barnaamijyada Dowlad-dhisidda, sida uu sheegay madaxweynaha Koofur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, halka Ambasidor James Swan uu ku ammaanay Dowladda Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan Arrimaha Nabadda iyo Xasilloonida.

kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Haweenka iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles