Wednesday, March 4, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah,Kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha, iyo Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “Shirka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia, Waxaana isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta,Afrika iyo Aasiya.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles