Wednesday, June 24, 2026

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐔𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐇𝐒𝐉 𝐞𝐞 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐮𝐧𝐬𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐅𝐒

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustaf Dhuxuloow ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay xarunta dhexe ku dhawaad 30 Uqaybsanayaasha HSJ ee safaaradaha iyo qunsuliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku leedahay dalalka caalamka.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay xaaladda adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ka helaan dibadda, iyadoo la dhagaystay caqabadaha jira iyo warbixinnada ku saabsan habsami u socodka howlaha. Waxaa kale oo lagu gorfeeyay qorshaha dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqada, si loo fududeeyo adeegyada laguna dardargeliyo habraacyada casriga ah ee ay hay’addu ku taageerto shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa kala hadlay Uqaybsanayaasha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo isku xirka joogtada ah ee safaaradaha iyo xarunta dhexe ee HSJ. Waxa uu sidoo kale faray Uqaybsanayaasha in ay xoogga saaraan hagaajinta shaqada, fududeynta adeegyada, iyo ilaalinta sumcadda qaranka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda jooga ay u helaan adeeg degdeg ah oo hufan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles