Wednesday, August 19, 2026

Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaanka caanka ah ee Safwaan Hilaac, kadib markii gaari uu la socday uu shil ku galay wadada loo yaqaan 200 Boqol oo ku taalla waqooyiga magaalada.

Safwaan Hilaac ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka dhalinyaro kale oo la socotay oo ay gabdho ka mid yihiin ay dhaawacyo culus soo gaareen, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo Isbitaalka Hargeysa.

Marxuumka oo fanka ku soo biiray sanadkii 2015, ayaa ka mid ahaa fanaaniinta ugu jecel bulshadu heesahooda intii uu ku jiray masraxa fanka.

Geeridiisa waxaa si weyn uga tacsiyadeeyay fannaaniin, abwaano iyo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, iyagoo ku tilmaamay halyey da’yar oo iftiin iyo rajo u ahaa masraxa suugaanta.

Marxuumka ayaa dhawaan ka yimid Qurbaha uu ku noolaa, iyadoona ugu dambeyn uu ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Shilalka gaadiidka ee Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay si xowli ah u kordhay, iyada oo dhimashada ka dhalata shilalkaas ay gaartay heerkii ugu sareeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles