Wednesday, June 24, 2026

Saraakiil ka socda Masar oo yimid Muqdisho

Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Masar ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo u yimid hawlgal qiimeyn iyo kuur-galid ah ka hor inta aanay Ciidanka Masar si rasmi ah u iman Soomaaliya kuna soo biirin Hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.

Wafdiga, oo uu hoggaaminayay Sareeye Guuto Islam Radwan, waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxay kulan la yeesheen madaxda AUSSOM oo uu hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyagoo ka qeybgalay xog-warran amni oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka AUSSOM.

Inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya, wafdiga ayaa kormeer ku tagi doona xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo goobaha hawlgalka, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay noqdaan saldhigyo dejin iyo saadka ciidanka Masar ee imanaya Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles