Wednesday, August 19, 2026

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee BFS oo Furay Kulanka Banbaxa Ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka furay, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u sheegay in kulanka banbaxa uu socon doono muddo saddex maalmood ah, islamarkaana inta uu socdo lagu dejin doono ajandayaasha Kalfadhiga Toddobaad ee Golaha Shacabka. Waxa uu sidoo kale kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay dardar geliyaan ka doodista ajandayaasha, islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyaan shuruucda mudnaanta u leh horumarinta dowladnimada dalka.

Inta uu kulanku socdo, xubnaha guddigu waxa ay kaga doodi doonaan ajandayaasha Kalfadhiga Toddobaad, kuwaas oo isugu jira shuruucdii ka haray Kalfadhigii Lixaad iyo sharciyadii cusub ee ay Xukuumaddu soo gudbisay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles