Soomaaliya oo laga cafiyay deymaha 75% oo ay ku laheyd Ururka Jaamacada Carabta

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare,oo ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Wakiillada joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta,ayaa kalmad ka jeediyay madasha.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyey Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada Joogtada ah,sida wanaagsan ee ay u taageereen Dalabka Soomaaliya ee ahaa in laga cafiyo deymihihii isgaaray muddo 38 Sano ah oo aanan la bixin dhaqaalaha sanadlaha ah ee xubinnimada,taasoo la go’aamiyay cafinta 75% deymahaasi.

Danjiraha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dawladda Soomaaliya,isla markaana Safaaraddu ka miradhalisay dadaalkii ay u gashay arrintan iyadoo laga duulayo jihaynta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles