Sunday, April 26, 2026

Trump oo magaca ka bedelaya wasaarada Difaaca

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu Jimcaha saxiixi doono amar fulineed oo lagu beddelayo magaca Waaxda Difaaca Mareykanka.

Waaxdan ayaa loo badali doonaa waaxda Waaxda Dagaalka Mareykanka.

Isbeddelkan rasmiga ah wuxuu u baahan doonaa oggolaanshaha aqalka Congress-ka ee Mareykanka, laakiin amar fulineed ayaa u oggolaanaya in Waaxdan Dagaalka loo isticmaalo cinwaan labaad inta laga sugayo oggolaanshaha Congress-ka.

Wareysi uu bixiyay, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth wuxuu sheegay inay ka tarjumeyso isbeddel ka dhacaya Pentagon-ka oo loo wareegayo hab-dhaqan dagaal oo dheeri ah.

Wuxuu kaloo sheegay in Mareykanku uu ku guuleystay Dagaalkii Koowaad iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyadoo xiligaas waaxda loogu yeerayay Waaxda Dagaalka, ee aan ahayn Waaxda Difaaca.

WARARKII KALE

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

Farmaajo oo Duubabka dhaqanka ugu baaqay iney hoggaamiyaan xalinta ismari-waaga”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles