Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galayey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika ayaa kulan doceedyo gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto.
Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta nabadda gobolka, iyo adkaynta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka ee lagu xaqiijinayo amniga, horumarka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.