Thursday, April 23, 2026

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan MadaxdaTurkiga ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabooyin adag ka qaaddo Israa’iil ,ka dib markii ay duqayn cirka ah ka geysatay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay Ahmet Yildiz oo cambaareeyay weerarka foosha xun ee Israel ku qaadday Qadar ayaa falkaasi ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka horimaanaya madax banaanida dhulkeeda iyo amniga qaranka Qadar.

Mas’uulikaasi ayaa ku nuuxnuuxsada in weerarka Israa’iil uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo xasilloonida iyo ammaanka gobolka Bariga Dhexe,isagoo soo jeediyay in laga hortago adeegsiga aan loo meel dayin ee ka dhanka ah madax-bannaanida Qatar.”

Ergayga Turkiha ayaa dib u xaqiijinaya midnimada ururka Iskaashiga Islaamka,isagoo yiri”Waxaan u taagannahay si wadajir ah in aan taageerno xaqa iyo waajibaadka Dowladda Qatar si ay uga jawaabto xadgudub kasta ama gardarro kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Dalka Turkiye ayaa xilligaan haya talada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),waxayna madaxda dalkaasi ay soo saareen bayaan lagu dalbanaayo in Israel lagula xisaabtamo weerarada ka dhanka ah Qadat iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa weerar cirka ah Talaadadii la beegsatay ergada wada xaajoodka kooxda Falastiin ee Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar ee Doha,waxaana halkaasi lagu dilay dhowr qof oo ay ku jiraan wiil uu dhalay hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Gaza, Khalil al-Hayya, saddex kaaliye iyo sarkaal ammaanka Qatar u qaabilsan Badr al-Dosari

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo kordhisay doorkeeda la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah...

Maleeshiyaad hubeysan oo Dhakhtar ka afduubtay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi...

Soomaaliland oo si adag ugu jawaabtay war ka soo yeeray Iran

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad uga jawaabtay hadallo ka...

Ciidamadii taabacsanaa Lafta gareen oo isaga tagay Awdiinle, gaarayna Berdaale

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo...

NISA oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Guulane lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles