Kuuriyada Waqooyi oo sii kordhisay dilka dadka daawada Filimada shisheeye

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sii kordhinaysa ciqaabta dilka ah taas oo ay dadku ku mutaysan karaan xitaa haddii ay daawadaan ama isla wadaagaan filimada iyo sheekooyinta taxahayaasha ah ee ay sii daayaan Telefishada shisheeyaha.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in dowladdan kali-taliska ah, oo si weyn uga go’doonsan dunida inteeda kale, ayaa sidoo kale dadka u adeegsaneysa shaqo qasab ah, iyadoo sii xaddideysa xorriyadahooda.

Xafiiska xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, wuxuu ogaaday in tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ay aad u adkaysay gacanta ay ku hayso “dhamaan dhinacyada nolosha muwaadiniinteeda.”

“Ma jiro dad kale oo maanta dunida ku nool oo ku hoos jira xayiraado la mid ah kuwaas,” ayaa lagu xusay gunaanadka warbixinta, iyadoo intaa lagu daray in kormeerka iyo basaasidda shacabka ay noqotay mid aad u baahsan, taas ay u sahleyso horumarka dhanka tiknoolajiyadda.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles