Sunday, August 16, 2026

Kuuriyada Waqooyi oo sii kordhisay dilka dadka daawada Filimada shisheeye

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sii kordhinaysa ciqaabta dilka ah taas oo ay dadku ku mutaysan karaan xitaa haddii ay daawadaan ama isla wadaagaan filimada iyo sheekooyinta taxahayaasha ah ee ay sii daayaan Telefishada shisheeyaha.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in dowladdan kali-taliska ah, oo si weyn uga go’doonsan dunida inteeda kale, ayaa sidoo kale dadka u adeegsaneysa shaqo qasab ah, iyadoo sii xaddideysa xorriyadahooda.

Xafiiska xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, wuxuu ogaaday in tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ay aad u adkaysay gacanta ay ku hayso “dhamaan dhinacyada nolosha muwaadiniinteeda.”

“Ma jiro dad kale oo maanta dunida ku nool oo ku hoos jira xayiraado la mid ah kuwaas,” ayaa lagu xusay gunaanadka warbixinta, iyadoo intaa lagu daray in kormeerka iyo basaasidda shacabka ay noqotay mid aad u baahsan, taas ay u sahleyso horumarka dhanka tiknoolajiyadda.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Iiraan oo cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismail Baqaei, ayaa si...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles