Tuesday, August 18, 2026

DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

Maamulka Waqooyi Bari ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii 13-kii Sebtembar 2025 lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh, gobolka Sanaag, taasoo lagu naafeeyay nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladdu ayaa lagu sheegay in dilkaasi uu yahay fal foosha xun oo liddi ku ah dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda ayaa si adag u cambaareysay diyaaradaha aan la garanayn ee ka hawlgala hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo loo arko khatar ku ah shacabka iyo deegaannada gobolka.

Sidoo kale, Dowladda Waqooyi Bari waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta hawada iyo badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay qeyb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka si caddaalad loo helo.

Ugu dambeyn, dowladda ayaa ku adkaysatay in dhulka, hawada iyo karaamada shacabka Waqooyi Bari aan la taaban karin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles