DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

Maamulka Waqooyi Bari ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii 13-kii Sebtembar 2025 lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh, gobolka Sanaag, taasoo lagu naafeeyay nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladdu ayaa lagu sheegay in dilkaasi uu yahay fal foosha xun oo liddi ku ah dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda ayaa si adag u cambaareysay diyaaradaha aan la garanayn ee ka hawlgala hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo loo arko khatar ku ah shacabka iyo deegaannada gobolka.

Sidoo kale, Dowladda Waqooyi Bari waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta hawada iyo badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay qeyb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka si caddaalad loo helo.

Ugu dambeyn, dowladda ayaa ku adkaysatay in dhulka, hawada iyo karaamada shacabka Waqooyi Bari aan la taaban karin.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles