Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay ciidamada dalkiisu ka haystaan gudaha Ukraine Arbacadii, waxaana uu sheegay in ciidamada Ruushku ay horumar ka sameynayaan dhinac walba, iyadoo dagaallada ugu culus ay ka dhacayaan meel u dhow xarunta saadka ee Pokrovsk.

General Valery Gerasimov, oo ah madaxa ciidamada Ruushka ee waxa Moscow ay ugu yeerto “hawlgal milatari oo gaar ah”, ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay horumar ka sameynayaan gobolka bariga Donetsk, oo ah xarunta dagaalka ee gobollada Zaporizhzhia iyo Dnipropetrovsk.

“Ciidamadeenna ku sugan aagga hawlgalka milatari ee gaarka ahi waxay horumar ka samaynayaan ku dhowaad dhammaan jihooyinka,” ayuu yiri.

“Dagaalka ugu xoogganina wuxuu ka socdaa aagga horseedka u ah ee Krasnoarmeisk,”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Dhanka kale, diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ay leedahay ayaa weerartay gaari ku sugnaa gobolka xuduudda ee Belgorod ee Ruushka, iyadoo dishay hal qof, kuna dhaawacday mid kale, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi maanta.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles