Tuesday, August 18, 2026

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay ciidamada dalkiisu ka haystaan gudaha Ukraine Arbacadii, waxaana uu sheegay in ciidamada Ruushku ay horumar ka sameynayaan dhinac walba, iyadoo dagaallada ugu culus ay ka dhacayaan meel u dhow xarunta saadka ee Pokrovsk.

General Valery Gerasimov, oo ah madaxa ciidamada Ruushka ee waxa Moscow ay ugu yeerto “hawlgal milatari oo gaar ah”, ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay horumar ka sameynayaan gobolka bariga Donetsk, oo ah xarunta dagaalka ee gobollada Zaporizhzhia iyo Dnipropetrovsk.

“Ciidamadeenna ku sugan aagga hawlgalka milatari ee gaarka ahi waxay horumar ka samaynayaan ku dhowaad dhammaan jihooyinka,” ayuu yiri.

“Dagaalka ugu xoogganina wuxuu ka socdaa aagga horseedka u ah ee Krasnoarmeisk,”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Dhanka kale, diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ay leedahay ayaa weerartay gaari ku sugnaa gobolka xuduudda ee Belgorod ee Ruushka, iyadoo dishay hal qof, kuna dhaawacday mid kale, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi maanta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles