Wednesday, June 24, 2026

Faransiiska oo joojiyay iskaashiga amniga ee kala dhexeeyay dalka Mali

Wararka ka imanaya Paris ayaa sheegaya in Faransiisku uu joojiyay iskaashigii ka dhanka ah ururada Islaamiyiinta ah ee uu la lahaa Mali, isla markaana uu eryay laba diblomaasi oo u dhashay Mali — oo la sheegay inay yihiin saraakiil amni.

Tallaabooyinkan la soo sheegay ayaa yimid ka dib markii bishii hore la xiray sarkaal amni oo Faransiis ah oo ka tirsan safaaradda Bamako loogana shakiyay inuu doonayay inuu xasillooni darro ka abuuro Mali.

Mali ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in shan diblomaasi oo Faransiis ah ay yihiin persona non grata (dad aan dalka laga rabin)– laakiin waxay ka tageen Mali dhammaadkii usbuuca.

Diblomaasiga Faransiiska ah ayaa lala xiray dhowr sarkaal oo sare sare oo ka tirsan ciidamada militariga Mali.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles