Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey wefdi ka socda Dowladda Turkiga, oo uu horkacayo Safiirka Turkiga ee u jooga Soomaaliya, Alper Aktas, iyo Uqeybsanaha arrimaha Diinta Turkey, Cumar Faaruq Arslan.
Ujeedada booqashada wefdigan ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa la xiriirta iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda adeegyada maamul ee wasaaradda.
Wasiirka mudane Mukhtaar Roobow, ayaa ka mahadceliyey booqashada masuuliyiinta ka socotay Turkiga iyo sida ay garab taagan yihiin safiirka Turkiga, Alper Aktas ayaa dhankiisa sheegay in wadashaqeynta uu la leeyahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay xoojin doonto, isla markaana ka caawin doonto dhanka tababarada iyo kor u qaadista aqoonta iyo khibrada shaqaalaha.
Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Turkiga, Alper Aktas, ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
Wasiir Roobow oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga
NAGU SOO BIIR