DFS oo sheegtay in duqeyn ay ku dishay Horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyigiin Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal duqeyn qorshaysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Horjoogayaasha la toogtay waxaa ka mid ah Cabdi Xiiray, oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab, islamarkaana abaabulay weerarro iyo dhagaro badan oo lagu beegsaday shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaannada Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ma soo bandhigay Sawirada Horjoogayaasha ka tirsanaa Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.

Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah wiiqista awoodda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo saraakiisha amnigu sheegeen in ay sii wadi doonaan qorshayaasha ka dhanka ah kooxdan si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles