RW Xamsa oo weerarkii shalay ee saldhiga Booliska Warta Nabada ku tilmaamay Afgambi

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay saldhigga Booliiska ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu sheegay in uu ka dambeeyey farriin cad oo muujineysa in Muqdisho aysan u qalmin hormar iyo xasillooni.

“Falkii shalay lagu weeraray saldhigga Booliiska, waxaa uu xambaarsanaa farriin ah in Muqdisho aysan qaadi karin horumar iyo nabadgelyo, waxaana lagu diidanaa in muwaadiniinta la siiyo xuquuqda dastuuriga ah ee ay leeyihiin, iyo sidoo kale la dagaalanka Khawaarijta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Hamza wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay sare u qaadaan hawlgallada ammaanka si ay u sugaan badbaadada muwaadiniinta. Waxa uu sidoo kale ka digay in la ogolaado falal dambiyeed oo ka dhan ah nabadgelyada guud ee dalka.

“Hay’adaha amniga waxaan farayaa in ammaanka muwaadiniinta ay sugaan, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladda ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin adag oo lagaga hortagayo kooxaha doonaya inay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ku boorriyay shacabka inay ka qayb qaataan sidii dalka loo ilaalin lahaa.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles