Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kula kulmay Safiiradda Caalamka ee sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay safiirrada dalalka saaxiibada caalamka ee Soomaaliya xiriir dhow la leh, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda, iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa intii uu socday kulanka waxa uu uga mahadceliyay safiirrada taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ay la garab taagan yihiin, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay Dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.

Safiirrada beesha caalamka ayaa dhankooda ku bogaadiyey horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta kadib qorshihii deyn cafinta iyada oo ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo mustaqbal dhaqaale oo waara.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles