Sunday, June 28, 2026

Koox hubeysan oo masuul ku dilay degmada Garbahaarey

Koox hubeysan ayaa xalay degmada Garbahaarey ku dilay Cabdi Fareey, guddoomiyihii xaafadda Towfiiq, kaas oo sidoo kale ka mid ahaa odayaasha dhaqanka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii weerarka geysatay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo aan weli la garan cida ka dambeysa falkaas.

Ciidamada ammaanka degmada ayaa saaka bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilka.

Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay falkaasi mid sii xoojinaya cabsi iyo walaac bulsho oo horay u taagnaa.

Amniga Garbahaarey ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn u xumaaday, iyadoo dhowaan dagaal culus uu ka dhacay halkaas.

Sidoo kale dilalka qorsheysan ayaa kusii kordhay guud ahaan gobolka Gedo, tan iyo markii uu xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles