Golaha Shacabka ee BFS oo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dastuurka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa waxa uu ahaa doorashada xubin ka banaaneyd Guddiga Dib U Eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) Iyo Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar.

Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah, islamarkaana sanduuq lagu codeynayay, waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92-cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo heshay 68-cod, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles