Mustafe Cagjar oo sheegay in saamiga ay Soomaalidu ka helayso shidaalka laga soo saarayo deegaanka

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa shaaca ka qaaday saamiga ay dawlad deegaanka Soomaalidu ka helayaan shidaalka deegaankaas laga soo saarayo.

Mustafe oo maanta ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta calanka ee Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba konton ay Soomaalidu ka heli doonaan dakhliga ka soo xarooda Shidaalka, halka faa’iidada dakhliyada kalena loo heli doono sidii caadiga ahayd. Mustafe ayaa hadalka ku durayey dadka ay siyaasad ahaan dhaliilaha qorshayaasha DDS.

“Shidaalka iyo Khayraadka ka soo baxaya iyo ganacsiga iyo shaqo abuurka laga helayo iyo dakhliga laga helayo oo si cad loogu ansixiyey golayaasha iyo sharciyada dalka in boqolkiiba konton la siinayo deegaanka Soomaalida oo ay leeyihiin, wixii kale ee dawladda dhexe u xaroodana uu yahay waxa aan haddaba ka faa’iideyno ee meel walba lagu dhisayo ee ah lacagaha dawladda federaalka ay miisaaniyadda ku darayso in haddana dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsi awgood dadka six un loogu sawiro waa nasiib darro” ayuu yiri Mustafa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles