Thursday, October 23, 2025

Banaanbixii Mucaaradka ay maanta qorsheeyeen inuu ka dhaco Muqdisho oo markale Baaqday

Waxaa maanta markale baaqday banaanbixii mucaaradka ee lagu balansanaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa muujin ka dhan ah barakicinta iyo cadaadiska lagu hayo shacabka ku nool caasimadda.

Banaanbixan ayaa markii hore lagu waday in lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo abaabulkiisa ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin mucaarad ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ee banaanbaxyadan ayaa ahayd in lagu diido barakicinta dadka danyarta ah ee lagu soo qaaday qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan degmooyinka ay ka socdaan howlgallada lagu burburinayo guryaha iyo dhismayaasha ay degan yihiin dadka saboolka ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa horey u sheegay in Khamiista maanta uu dhici doono banaanbax nabadeed oo looga soo horjeedo siyaasadda dowladda iyo xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan arrimaha ku saabsan barakicinta shacabka.

Hase yeeshee, ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca banaanbaxa, mana jirto faahfaahin ay bixiyeen qabanqaabiyeyaasha ama saraakiisha amniga ee Muqdisho.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa saaka deggan, iyadoo waddooyinka muhiimka ah ay u furnaayeen si caadi ah, halka ciidamo ka tirsan dowladda ay weli ku sugan yihiin goobo muhiim ah oo ay horey ugu diyaarsanaayeen inay maareeyaan isu soo baxa mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles