Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir ka dhacay Washingtom dc

-Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada loo dhan yahay ee ay shir-guddoonka ka tahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva isla markaana ay soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika.

Shirkan loo dhan yahay ayuu Wasiir Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ka jeediyay khudbad kooban oo uu diiradda ku saaray saameynta Isbaddalka Cimiladu ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii la socday ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdigii ka socday Dowaldda UK ee shirka ka soo qayb galay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgashiga iyo saameynta isbaddalka cimilada iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan doceed wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF) Mr. Fahad Al-Turki, kulanka ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, Maalgalinta iyo Qorshayaasha Horumarineed ee Dhaqaalaha. Hay’adda AMF ayaa door muhiim ah ka soo qaadatay hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles