Wednesday, October 22, 2025

Duqeyn lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan AS oo ka dhacay Jubbada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo qorshaysan ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Duqeymaha ayaa daba socday howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa sifeynta goobaha ay kooxaha argagixisada ku dhuumaaleysanayeen.

War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in duqeyntii iyo howlgaladii xigay lagu dilay illaa 20 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay tuulooyinka Yiireey, Malaalyleey, Janaal-jaay, iyo Muuse Xaaji, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen saldhigyo iyo gabbaadyo ay hore ugu adeegsan jireen kooxaha argagixisada.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen godadkii iyo xarumihii ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay xoreeyaan deegaano muhiim ah oo horey ugu jiray gacanta kooxda.

Sidoo kale, howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya dhanka duqeymaha cirka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay khaarijinta horjoogayaasha kooxda.

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga hubinayo in gebi ahaanba laga cirib tiro kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab deegaanadaas.

WARARKII KALE

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles