Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya Difaaca iyo amniga Badda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula kulmay dhiggiisa Talyaaniga Guido Crosetto.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD, maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qayb ka ah Qorshaha Mattei ee Talyaaniga.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles