Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod, ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag
Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles