Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubaland, horumarinta adeegyada bulshada, siyaasadda dalxiiska, iyo qorshayaasha horumarineed ee dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland, iyo howlaha mudnaanta leh ee illaa hadda la qabtay.

Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa soo bandhigtay Siyaasadda Dalxiiska Jubaland, oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska. Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda.

Dhanka kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo bandhigtay barnaamijka Siyaasadda Ciyaaraha Jubaland, kaas oo lagu hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles