Thursday, October 23, 2025

Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubaland, horumarinta adeegyada bulshada, siyaasadda dalxiiska, iyo qorshayaasha horumarineed ee dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland, iyo howlaha mudnaanta leh ee illaa hadda la qabtay.

Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa soo bandhigtay Siyaasadda Dalxiiska Jubaland, oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska. Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda.

Dhanka kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo bandhigtay barnaamijka Siyaasadda Ciyaaraha Jubaland, kaas oo lagu hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub...

Hogaamiyaha xoogagga RSF ee Sudan oo jeediyay digniin cabsi badan abuurtay

Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha...

Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga...

MW Xasan Sheekh oo la shiraya saaxibadiisa kula jira Xisbiga iyo Kulanka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir wadatashi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles