Wednesday, April 15, 2026

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Somalia oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Mukhtar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi ah ku joogey Jamhuuriyadda Djibouti ayaa intii uu ku sugnaa Djbouti.

kulan booqasho ah ugu tagey Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti Mudane Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna ku suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991, gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada ee Dalka DJibouti.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles