Tuesday, February 17, 2026

RSF oo sheegtay inay qabsatay saldhigga ciidamada Sudan

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Sudan (RSF) ayaa sheegay in ay qabsadeen xaruntii ciidamada ee magaalada go’doonsan ee El-Fasher, taasi oo muujinaysa marxaladda uu isu beddelay dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

War ay kooxdu soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegtay in ay burburisay “Gaadiid dagaal oo aad u badan, isla markaana ay ka qabsadeen qalab ciidan oo yaallay xarunta taliska qaybta 6-aad ee ciidanka.

BBC Verify ayaa xaqiijisay xaqiiqada muuqaallada ku wareegaya baraha bulshada ee muujinaya dagaalyahannada RSF ee ku sugan gudaha saldhigga ciidanka.

Khasaaraha soo gaaray xarunta ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada dowladda iyadoo el-Fasher ay tahay xaruntii ugu dambeysay ee ay ciidanka Sudan ka joogeen gobolka Darfur, taasoo keentay in RSF ay si hufan gacanta ugu dhigto deegaanka. Ciidanka ayaan weli ka hadlin arrintan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles