Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa   kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa lagu falanqeeyay heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha taagan, iyo hiigsiga guud ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta isgaarsiinta iyo dhijitaalka.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay ka go’an tahay dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaan casri ah oo lagu hormariyo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, si bulshadu uga faa’iideyso adeegyo isku halayn leh oo casri ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muuqda ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada iyo joogteynta isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaradu ku leedahay hagaajinta iyo tayeynta adeegyada tiknolojiyadda ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles