Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa   kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa lagu falanqeeyay heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha taagan, iyo hiigsiga guud ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta isgaarsiinta iyo dhijitaalka.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay ka go’an tahay dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaan casri ah oo lagu hormariyo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, si bulshadu uga faa’iideyso adeegyo isku halayn leh oo casri ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muuqda ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada iyo joogteynta isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaradu ku leedahay hagaajinta iyo tayeynta adeegyada tiknolojiyadda ee dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles