Donald Trump oo mar kale u digay Xamaas

Sida aan horey u tebinnay, kooxo ka socda Masar iyo hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa loo oggolaaday inay raadiyaan meydadka la haystayaashii la qafaashay intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Iyadoo ay howlahaas socdaan ayaa dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kooxda Xamaas ugu digay inay si degdeg ah u bilaabaan soo celinta meydadka, haddii ay sidaas sameyn weydana ay dalalka kale ee ku lugta leh heshiiskii la gaaray tallaabo qaadi doonaan.

Af-hayeen u hadlay Israa’iil ayaa sheegay, in kooxda Masar loo oggolaaday inay la shaqeeyaan ICRC si ay u helaan meydadka, oo ay u isticmaali doonaan mashiinno dhulka lagu qodo iyo baabuurta nooca xamuulka si ay u baaraan meel ka baxsan “khadka jaalaha ah”.

” Qadka jaalaha ah “ayaa calaamad u ah soohdinta u dhexeysa waqooyiga, koonfurta iyo bariga Gaza ee ay Israa’iil ka baxday, taas oo qayb ka ah marxaladda koowaad ee heshiiska xabbad joojinta.

Ilaa hadda, Israa’iil ma aysan oggolaan gelitaanka kooxahaas ee gudaha Qaza..

Masar, oo ay weheliyaan Qadar iyo Turkiga, ayaa ah saxiixa muhiimka ah ee qorshaha nabadda ee Qaza ee uu gar-wadeenka ka ahaa Trump, kaas oo lagu saxiixay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh horaantii bishan.

ICRC ayaa si weyn ugu howlaneyd soo celinta maxaabiista.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles