Madaxweyne Xasan sheikh oo lagu soo dhaweeyay dalka jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee dalkeenna Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh xasuus qorka dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan tabaneyso oo ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta ee dadka Soomaaliyeed loogu qabtay Jabuuti ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles