Madaxweyne Xasan sheikh oo lagu soo dhaweeyay dalka jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee dalkeenna Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh xasuus qorka dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan tabaneyso oo ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta ee dadka Soomaaliyeed loogu qabtay Jabuuti ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles