Jubbaland oo sheegtay in howlgal ka dhacay Jamaame lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland (JISA), Ciidanka Gaarka ah ee Danab (Danab Special Forces), iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, halkaas oo lagu burburiyay godad iyo xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la xaqiijiyay in 18 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay, halka 32 kale lagu dhaawacay intii ay socdeen howlgaladan oo cirka iyo dhulka isugu jiray.

Ciidamada Dowladda Jubaland qeybahooda kala duwan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa adkeeyay go’aankooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ku baaqay in la sii dardargeliyo howlgallada lagu sugayo amniga, xasilloonida, iyo nolol nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles