Jubbaland oo sheegtay in howlgal ka dhacay Jamaame lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland (JISA), Ciidanka Gaarka ah ee Danab (Danab Special Forces), iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, halkaas oo lagu burburiyay godad iyo xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la xaqiijiyay in 18 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay, halka 32 kale lagu dhaawacay intii ay socdeen howlgaladan oo cirka iyo dhulka isugu jiray.

Ciidamada Dowladda Jubaland qeybahooda kala duwan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa adkeeyay go’aankooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ku baaqay in la sii dardargeliyo howlgallada lagu sugayo amniga, xasilloonida, iyo nolol nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles