Sunday, February 15, 2026

Qaramada Midoobay oo cambaareysay waxa ka socda Sudan

Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in saameynta dagaalku ku yeeshay dadka rayidka ah ay tahay mid naxdin leh, iyadoo loogu baaqay xubnaha golaha in ay masuuliyadda dilalka sharciga ka baxsan iyo xarigga aan sababta lahayn lagula xisaabtamo ciidamada RSf.

Tom Fletcher, oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, ayaa golaha ammaanka u sheegay in RSF ay u sheegeen in ay dad xireen, isagoo intaa ku daray in iyadoo “haween iyo gabdho la kufsanayo, dadna la dhaawacayo ama la dilayo muuqaallo laga duubay.”

Fletcher ayaa yiri, “Inkasta oo aynaan maqal qaylada, haddana marka aynu maanta halkan fadhinno, argagaxu wuu sii socdaa,” isagoo sharaxay in “tobanaan kun oo qof oo cabsi iyo gaajo la ildaran ay yihiin kuwo baxsad ah ama ka xeeladaysanaya meelaha ay dagaalladu saameeyeen.”

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee dalka Suudaan ee la yidhaahdo (RSF), ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in cisbitaal ku yaalla magaalada la yidhaahdo El-Fasher ee waqooyiga Darfur ay ku dileen in ka badan afar boqol oo qof.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in shacabka ay ka carareen magaalada, islamarahaantaana, aanay jirin isbitaallo shaqeynayay markii RSF ay la wareegtay magaalada usbuucii hore

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles