Sunday, November 2, 2025

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Kulan deg deg ahaa ka yeeshay xaalada Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ahaa ka yeeshay xaalada dalka Suudaan iyo dil wadareedkii dhawaan ka dhacay magaalada Al-Feshir ee dalkaasi Suudaan

Golaha ayaa kulankooda ku lafa guray sida looga gudbi karo dhibaatooyinka dhacaya dalka Suudaan, waxaana Goluhu ay ugu baaqeen dhinacyada isku haaya dalkaas in dib loo bilaabo wadahadaladii horay u socday.

Soo jeedinta fadhigan deg dega aha waxaa lahaa lix wadan oo Golaha Amaanka ka codsaday in si deg deg wax looga qabto dhibaatooyinka xanuunka leh ee ka dhacaya Suudaan, waxaana dalalkaasi kala yihiin UK, Algeria, Sierra Leone, Somalia, Guyana iyo Denmark sida uu shaaciyay Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Dalalkaan ayaa golaha ka dalbaday in xal waara oo deg deg ah loo helo dhibaatooyinka todobaadkan gudahii ka dhacay gudaha magaalada Al-Feshir ee lagu laayay dadka rayidka ahaa, islamarkaana sababay barakaca kumanaan kale oo shacab ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya iyo Sudan oo ka wadahadlay dagaalka ka socda El-Fasher

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray...

Golaha Wasiirada Dowlada Hirshabelle oo ansixiyay filashada miisaaniyadda 2026ka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Hooyo iyo caruurteeda oo dil iyo dhaawac loogu geystay Gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles