Wednesday, July 2, 2025

Abiy Ahmed oo soo Gebagebeeyey safarkiisii Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay kulan gaar ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ethiopia ayaa wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyey Ra’iisul Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wadahadallada mirodhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Soomaaliya ayaa ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul Abiy Axmed ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka dayuuradaha Aaden cadde iyagoo ku sii jeeda dalkooda

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles