Wednesday, March 4, 2026

Abiy Ahmed oo wajahaya culeys siyaasadeed kadib aqoonsigii Israa’iil ay siisay Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, arrin Itoobiya gelisay loollan istiraatiiji ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska The Africa Report ayaa qoray in Shiinaha si cad ugu digay Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka inaysan taageerin ama aqoonsan Somaliland, maadaama Beijing ay arrintaas u aragto mid khatar ku ah mabda’a midnimada dalalka.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa leh joogitaan ballaaran oo dhaqaale iyo mid amni oo ka jira Somaliland, waxaana lagu eedeeyay inuu door ku leeyahay dadaallada la xiriira aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warbixintu waxay sheegtay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu qaatay mowqif dhexdhexaad ah, isagoo ka fogaanaya inuu si cad ula safato midkood Shiinaha ama Imaaraadka, si uu u ilaaliyo xiriirka labada quwadood.

Itoobiya ayaa xilligan u baahan maalgelin iyo deymo ka imanaya Shiinaha, halka Imaaraadkuna uu ballanqaaday taageero dhaqaale iyo mid milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Addis Ababa ayaa lagu soo warramayaa inay si xeeladaysan u maareyneyso loollanka quwadahaas, si aysan u lumin midkoodna ama u gelin qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles