Sunday, March 8, 2026

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, xilli la filayo in maalinta berri ah uu kulan yeesho Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu uga doodo arrintan.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo, abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo si cad uga soo horjeeda qabyatirka iyo wax ka bedelka Dastuurka. Kulamadan ayaa inta badan lagu muujinayaa diidmo ku aaddan habka loo wajahayo ansixinta wax ka bedelka.

Diidmada ayaa markii hore ka timid xildhibaanada mucaaradka iyo maamul goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah. Haatan waxaa ku soo biiray xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo qorsheynaya inay qaataan mowqif mideysan oo ay ku diidan yihiin ansixinta dastuurka.

Sidoo kale, xalay waxaa shir gaar ah yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha Hawiye, kuwaas oo iyaguna ka biyo diidan meelmarinta dastuurka. Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay martigelinayso kulamo xiriir ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo is mari-waaga ka taagan arrintan.

Qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee uu wado Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadiskii ugu cuslaa tan iyo markii la soo bandhigay, kaddib tallaabooyin abaabulan oo ay qaadeen mucaaradka iyo xildhibaano kasoo horjeeda.

Haddii aqlabiyad Baarlamaanka ah ay si cad uga horyimaadaan ansixinta, waxaa suuragal ah in xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka dhalato, taasoo saameyn karta xasiloonida dowladda federaalka.

Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo duruufo adag oo ay ka mid yihiin abaaro baahsan oo saameeyay bulshada iyo xoolaha, taasoo sii adkeyn karta xaaladda guud ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles