Afhayeenkii Laftagareen iyo Ciidamo uu wato oo duulaan ku ah Baydhabo

Ciidamadii taabacsanaa Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Cabdi casiis Lafta gareen oo ku sugan Gobolka Baay ayaa la soo werinayaa inay dhaq dhaqaaqyo Milateri ay ka wadaan Gobolkaasi, kuwaasi oo duulaan ku ah magaalada Baydhabo.

Wasiirkii hore ee Amniga Koofur Galbeed iyo afhayeenkii hore ee Maamulka ayaa hoggaaminaya ciidamadan dhaq dhaqaaqyada ka wada Gobolka Baay.

Ciidankan ayaa qorsheynaya howlgalo Ka dhan ah Baydhabo, kaasi oo ay ku doonayaan inay ku joojiyaan doorashada bilaabaneysa 10 bishaan Nay sida uu sheegay Afhayeenkii Laftgareen Uagaas Xasan Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamlmaha soo socda la maqli doono war weyn iyo qorshe uu wado Cabdicasiis Lafta gareen oo uu sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee koofur Galbeed.

“Shacabka reer Baydhabo waxaan leeyahay kaalaya kusoo biira oo caanaha ukeena ciidanka doonaya inay idinka dulqaadaan Cadowga midabka qabiil leh ee xoogga idinku heysata 30-ka Cisho” ayuu yiri Afhayeenkii Lafta gareen.

Sidoo kale Ugaas Xasan ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray “Waxaan beegsan doonnaa qof walba oo loo arko inuu dowladnimada KGS horay u burburiyay, haddana faraha kula jira burburinteeda.”

Digniintan ayaa ku soo aadaysa xilli maalin kadib doorasho ah ka dhici doonto magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo halkaasi lagu dooran doono Xildhibaanada Golaha Wakiilada KGS iyo kuwa golaha deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles