Wednesday, June 24, 2026

DFS oo ku dhawaaqday in ay guryo u dhisayso dadkii ay barakicisay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qoshaha dhismaha 12 kun oo guri oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 80 kun oo qof, sida uu sheegay Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil.

Wasiirka oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in qorshahan qaran loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku noolaa goobaha aan ku habboonayn sida biyo-mareennada, xarumaha dowladda iyo goobaha waxbarashada.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucana laga billaabayo magaalada Muqdisho, balse uu gaari doono guud ahaan gobollada dalka. Wasiirka ayaa sheegay in dadka barakaca ahaa loo dhisi doono magaalooyin casri ah oo leh adeegyada aasaasiga ah sida iskuullo, xarumo caafimaad, suuqyo iyo goobo ay carruurtu ku ciyaaraan.

Sidoo kale ayuu sheegay in deegaannada cusub laga abuuri doono shaqooyin iyo xarumo waxbarasho oo ay ku jiraan iskuullo farsamada gacanta lagu barto.

Wuxuu intaas ku daray in wejiga koowaad lagu bilaabayo 6 kun oo guri, iyadoo madaxda sare ee dalka ay dhawaan dhagax-dhigi doonaan mashruuca.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles