Tuesday, March 3, 2026

Agaasimaha NISA oo abaabul iyo kulamo xasaasi ah ka wada Moqokori

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Ahmed Hagar ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Hirshabelle.

Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa xusay in hey’adda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo in amniga deegaannada Hirshabeelle, iyadoo diiradda la saarayo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sanbaloolshe ayaa abaabul dagaal iyo kulamo xasaasi ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ka wada degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda balanqaaday inay hey’adda amniga garab ku siinayaan kala shaqeynta nabadda iyo guud ahaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta kuwaas oo ka socda qeybo kamid ah gobolada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles