Thursday, June 18, 2026

Soomaaliya oo xaalad deg deg ah la gelinayo iyo Turkiga oo Ciidamo badan u soo diraya dalka

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qodobada la isla meel dhigay kulan ay yeesheen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga Xasan sheekh Maxamuud iyo Rajeb Dayib Ordogan.

Wargeys lagu magacaabo Wall Jornal africa oo kasoo baxa dalka Koofur Afrika ayaa  daabacay warbixin uu ku soo bandhigayo is afgarad ay gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo Ordogan.

Warbixinta wargeyska oo ku qorneed luuqada Afka Ingiriiska oo aan soo tarjunay ayaa u dhigneed sida tan.

Labo ka mid ah ilo-wareedyo sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa dublamaasiyadeed ayaa WAJ u xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Turkiga ay qarka u saaran yihiin dhammaystirka heshiis dhinaca difaaca ah oo wax ka beddeli kara xaaladda amni ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo xasaasi ah ku yeelanayo, iyadoo la filayo in uu saxiixo heshiisyo cusub oo dhanka difaaca ah oo wax weyn ka taraya dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Markii ugu horeysay, Turkiga ayaa lagu wadaa in boqolaal ciidamo gaar ah uu soo diro Soomaaliya, kuwaasi oo si toos ah taageero militari ugu fidiya howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah.

Ciidamadan heerka sare ah ayaa lagu qalabayn doonaa tiknoolajiyada casriga ah ee Turkiga, taasoo ka dhigaysa midkii ugu ballaarnaa ee xubnaha NATO ka tirsan ee ku lug leh hawlgallada amniga gudaha ee Soomaaliya.

Arrimaha ugu daran ee laga hadlayo waxaa ka mid ah in gobolka Shabeellaha Dhexe laga sameeyo saldhig ciidan oo isku dhaf ah, kaasoo hadda ah goob dagaal oo Al-Shabaab lagula jiro.

Intaa waxaa dheer, barnaamijyada tababbarka ciidamada Soomaaliya ayaa si buuxda loo mideyn doonaa iyadoo Turkiga uu kormeerayo, taasoo soo afjareysa qabanqaabadii hore ee ciidamada Soomaaliya lagu tababari jiray dalal badan oo shisheeye.

Isku soo wada duuboo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah marka uu dib ugu soo laabto Soomaaliya, taasi oo muujineysa in dowladdu ay dooneyso in ay kordhiso ololaha ciidankeeda.

Haddii la dhamaystiro, heshiiskan difaacu waxa uu tilmaamayaa sii qotodheeraynta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, taas oo sii xoojinaysa doorka istaraatiijiyadeed ee Turkiga ee Geeska Afrika” ayaa lagu soo gabagabeeyey warbixinta Wargeyska Wall Journal Africa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa wali hadlin Xogta laga soo dusiyey kulanka ay yeesheen hogaamiyayaasha labada dal Xasan sheekh maxamuud iyo Rajab Dayib Erdogan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles