Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar lagu Taabbo-gelinayo Dastuurka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo looga hadlay dhaqan-gelinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo qodobbada la xiriira kala saarista xilalka wasiirnimo iyo xildhibaannimo.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli 14-ka Oktoobar 2026 ay ku egtahay muddadii loo asteeyey in la dhaqan-geliyo qodobbada dastuuriga ah ee kala saaraya labada xil, kuwaas oo saameynaya wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo sidoo kale xubno ka ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirradu uu guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u xilsaaray diyaarinta hindise-xeerka iyo habraacyada lagu hagayo dhismaha Xukuumadda, iyadoo hawshaas loo qabtay muddo laba bilood ah.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jirtay dood ku saabsan sida loo dhaqan-gelinayo qodobbada dastuurka ee dhigaya in la kala saaro xubinnimada Golaha Wasiirrada iyo xildhibaannimada. Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa horay u sheegay in qodobbadaasi dhaqan-galayaan 14-ka Oktoobar 2026.

Go’aanka cusub ayaa dhalin kara dood siyaasadeed iyo mid sharci oo ku saabsan sida muddada dheeraadka ah ee loo qoondeeyey diyaarinta habraacyada ay ula jaanqaadayso qodobbada dastuurka ee waqtigoodu ku egyahay 14-ka Oktoobar.

Dhanka kale, Dastuurka cusub waxaa ka hor yimid maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo ku doodaya in wax-ka-beddelkiisa aan loo marin wadatashi ku filan iyo habraac sharci oo la isla oggol yahay.

Muranka dastuurka ayaa weli ah mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dhinacyada isku haya ay ku kala aragti duwan yihiin habka loo marayo dib-u-habaynta dastuurka iyo hirgelintiisa.

WARARKII KALE

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo Anshax Xumada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta...

14-ka Oktoobar: Xusuusta qaraxii Soobe iyo maalintii Muqdisho ay murugadu qarisay

14-ka Oktoobar waa maalin murugo leh oo taariikhda Soomaaliya...

Jadwal doorasho oo la ogyahay cida noqonaysa hoggaanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in 22-ka October la qabanayo...

Netanyahu oo wajahaya Cadaadis sii kordhaya toddobaad ka hor doorashada Israa’iil

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in madaxa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles