Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan ay maxkamaddu ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee ka dhacday maamul goboleedka Galmudug bishii sagaalaad.
“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada ku celiska ah ee Golaha Wakiilladda Dowlad Goboleedka Galmudug ee uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimuhu u soo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Federaalka.”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta Faceboog ee Maxkamada Sare ee Soomaaliya
Hoos ka akhri go’aanka maxkamadda Sare ee Soomaaliya ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug.



