Ciidamada Laftagareen oo culeys saaray deegaanada KGS

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno ku dhow degmooyinka Berdaale iyo Diinsoor ee gobolka Baay, iyadoo ay soo baxayaan warar la xiriira suuragalnimada isbeddel ku yimaada gacan-ku-haynta deegaannadaas. 

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Berdaale ee dhinacyada amniga iyo siyaasadda ayaa la sheegay inuu ku biiray ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen, tallaabadaas oo ku soo beegmaysa xilli gobolka Baay ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo loollan siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay cadaadis ciidan saarayaan qaar ka mid ah degmooyinka Koonfur Galbeed, iyagoo doonaya inay la wareegaan deegaanno ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milatari.

Maalmihii u dambeeyay ayaa sidoo kale la soo sheegayay in xubno iyo askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ku biirayaan dhinaca Laftagareen, taasoo saameyn ku yeelan karta isku dheelitirka awoodda siyaasadeed iyo tan ciidan ee gobolka.

Dhaqdhaqaaqyada ka socda Berdaale iyo Diinsoor ayaa imanaya iyadoo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay weli tahay mid xasaasi ah, isla markaana ay jiraan loollan la xiriira maamulka iyo gacan-ku-haynta deegaannada.

Si kastaba ha ahaatee, weli si madax-bannaan looma xaqiijin wararka ku saabsan ku biiritaanka mas’uulka degmada Berdaale iyo sheegashooyinka la xiriira qorshaha ciidamada Laftagareen ee la wareegidda degmooyinka.

WARARKII KALE

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray safarrada xilliga roobabka

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa...

Xuutiyiinta oo uga digay Mareykanka inay jawaab “xanuun badan” ka bixin doonnaan haddii uu soo farageliyo

Xuutiyiinta ayaa Maraykanka uga digay in uu wajihi doono...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles